walow aan soo rafaadnay
dadaalna uso ruclaynay
riyada la inoo rumeeyay
hankiyo rajada dhabawday
rabaa mahadeeda yeeshay

naftiyo ruuxdaan wadaagney
rutnii nacab uu ku daalay
raxmaay qalbigii ku raacay
malaysan markaad ka dhooftay

ra yina labada mideeya
rasmina isku jecel is dooney
sideenana wada riyaaqay
ayaan u barwaaqo yeeshay

walow aan soo raxlaynay
cidlolon soo rogaalney
siroo gortaan rafiiqnay
dhibti rarannkii na daayay
adaa raaliya yaggleelay

waxaan raad caashaq reebay
sidaan isku raadinaynay
qoyskiyo reerkaynu taagney
raxmada ubadbaa ku biiray

Exit mobile version