saxiib u jeedada
aragtida wadaagtan
guul kula agaasima
abid waa la dhowrtaa

afka adiga oon furin
saxiib akhriyi kara
uurkiyo sarbeebaha
siduu ku ahaada
adna loo ilaashada

saxiib ku anfici kara
ayaaha dambiyeeyo
arin kula tusmayn kara
fikir kula astayn kara
is ogtihiin is eegtan
isla aaminteenba
ifka loo jeclaada

saaxiib aan egayn
wax sokoo idlan kara
farxad kula abaabula
lama tiro abaalkii

saxiib ku laab ogol
qalad kaaga aamusayn
arxan kuu difaac gala
aqbalkeen ku xoojiya
waa loo ogaada

Exit mobile version