jaceylkii taabo galay
tisqaadoo bulsho helay
maantuu tanaadayoo
tubtii noloshaad heshee
toolmoon amaal quruxsaneey
tilmaan wacan edaabsaney
yuusuf adaa reer la taagayoo
laydiin tumay ciyaar ciyaar
laydiin tumay ciyaar
ducadu ha tamrisee
ubad taam yeela dhaqankoo
diintana tiir adag ka yeeshoo
rabigiin tacabkiin ka yeel

jaceylkii taabo galay
taashkana loo suurayn
farxadbuuu talaaloo
tuftaa waalid baad hesheen
toolmoom amaal quruxsaney
tilmaan wacan edaab saney
yuusuf adaa reer la taagayoo
laydiin tumay ciyaar
laydiin tumay ciyaar
ducadu ha tamrisee
ubad taam yeela dhaqankoo
diintana tiir adag ku yeeshoo
rabigiin tacab kiin ka yeel

Exit mobile version