nafyahay tabashada ilow
wixii kugu dhacay ha tabin
buug iyo taarikh ka qoro
tusaale yay ku wacan
tano kale maad filayn
haday kugu timid adkayso
tanaasul aan kaga siin
talaabana hore u qaad
nasiibkaagana tix gali
hadii aad ku taanto ruux
niyada kaa tiray mar hore
tashoo maantaba
taanidiyo guul rajee
nafyahay tooso riyada
tawaawaca aduun iyo
tiiranyo iyo murugo ka gudub
qalbiga taageero sii
talaal lagu meelmaraaye
haduu caashaqu tabciyo
tumaadiyo kugu hayoo
aduu kugu tigay warmaha
talaabada ha u nuglaan
hadii aad ku taanto ruux
niyada kaa tiray mar hore
tashoo maantaba
taanidiyo guul rajee