Adhaxda timahaaga jooga
Ilkaha sida caana dhaya
Wajiga sida nuur ifaaya
Midabka ashqaraar la yaabo

Ogaalkay hadaan abaaro
Waxaad geydo ee amaana
Intaan wado astaamahaaga
Suurtaa la afuufayaaye
Abuur baad tahay cajiiba

Asmaay waligaa ha liicin
Gobaa tahaye ha iilan
Inkaaruhu kaa xijaaban

Adoon baad tahay hanuunsan
Asluubiyo dhaqan wanaagsan
Iimaankuna aad u buuxo
Qof baa tahay edab la siiyay

Aqalkaad ku kortaa xurmaynle
Dhulkii aad kusoo barbaartay
Waalidkii ku dhalaa amaanle
Waxaa ugu mudan aduunka
Halkaad marto ayaan qudhaata

Asmaay waligaa ha liicin
Gobaa tahaye ha iilan
Inkaaruhu kaa xijaaban

Exit mobile version