Qofka nolosha kuu huray
Miyaad nabar naxli iyo xumaaniyo
miyaad nacab nabdigiisa galisaa
Miyaad nixin

Qofaad nooli kulan tidhi
Miyaad nadal balanka
Iyo nuqulkii miyaad nuxur
kale aad ku naaloon naruurada

Hanka kuu nuglaadaa miyaad nadal
Miyaad lurka caashaqa lug goysaa
Mise waad naruurooy ka noogta

Ruuxaa aad nuskii tahay miyaad nici
Niyad aad ku wayntay miyaad nabi
Neecaawda caashaqa miyaad jari

Maanka kuu nuglaadana miyaad nuqul
Eray uu naar afuuf yidhi miyuu nagin
Nayaayirada caashaqa miyuu nadi

Exit mobile version