anaa jeel badan u qabay
jibaa i hogaaminaysa
kashiyo laabtuna jeclaatay

inaan xamar jaanta saaro
xigaalka la joogo maalmo
JALIILKUNA waa ii rumeeyay

banaadir intaan dhex joogay
jacaylkii la igu soo dhaweeyay
ayaa igu laba jibaarmay
xusuus aan iga jarmaynin
ayuu qalbigayga joojay

anaa jantay cimaladeeda
jawiga maqanbaa i deeqay
inay tahay jawharad nuurta
jagada ka iftiinta geeska
anaa huba oo u jeeda
janada ifku waa banaadir

Exit mobile version