badaan kaaga dhigi lahaa
hadaan karo biyo macaan
waxaan kaaga toli bilado
macdanta buuraha ku qoban

ubaahday hadaa tidhaa
naftaan kugu bixin lahaa
budiyo labadayda wiil
ayaan kugu baanan lahaa

inaad degto beerka iyo
boguba waa meel sokee
boosbaan kaa siin lahaa
qalbiga boos kuugu jecel

miyaan anigoo bad qaba
bukaan adigoo il daran
miyaan kaa baaqan laha
sow maan ku baxnaan dhigeen

hadii wadnahayga bidix
bogsiima lagaaga dhigo
miyaan la bakhayli lahaa
sow kuma soo baxsheen

inaad degto beerka iyo
boguba waa meel sokee
boosbaan kaa siin lahaa
qalbiga boos kuugu jecel

Exit mobile version