La'aantaa ciiltiraay
Nolashu waa tii cakiran
Waxaa tahay ciirsiga
Adduunka ku caymado
Cidladaan kaa weheshadaa

Caqliga adigaa xukuma
Waxeey codsadaan dhaguhu codkaaga ineey maqlaan

Caashaqa adigaa i baray
Sidii cashar ii laqimay
Waxaan laabta kuugu culay
Sidaad caawa ii dhistee
Caynaanka naftayda hayso

Sibaan ahay caawiyaay
Cishada aanan ku arag
Cawayskaad murugsantahay
Caraaa waagu ii baryaa
Naftuna weey caajistaa

Boggaad ku casuumantoo
Wadnaha cirifkiisiyo
Cindiga adigaa ku qoran

Caashaqa adigaa ibaray
Sidii cashar ii laqimay
Waxaan laabta kuugu culay
Sidaad caawa ii dhistee
Caynaanka naftayda haay

Exit mobile version