Cawooy quruxeey
Cisayn badaneey
Cadceed galaboo
Falaadho caslaay
Dayax cadiri i
Cadeeyay dhulkaay
Ubax carafloo
Badh casuuslaay
Cawooy quruxeey
Cisayn badaneey
Cadceed galaboo
Falaadho caslaay
Dayax cadiri i
Cadeeyay dhulkaay
Ubax carafloo
Badh casuuslaay
Cishqi beeraay
Caashaq keenaay
Farxad curiyaay
Lud casuumaay
Caqli doojaay
Cirsiga qalbigee
Xifku cugtayee
Hanku calmaday
Caqli doojaay
Cirsiga qalbigee
Xifku cugtayee
Hanku calmaday
Adaan cadradee
Caalamku idilaa
Ku culay laabtoo
Ku lulay calankee
Ii noqo ciiltiraa
Ii noqo caawiyaa
Ii noqo cilmiyaa
Casiis idamkii
Adaan cadradee
Caalamku idilaa
Ku culay laabtoo
Ku lulay calankee
Ii noqo ciiltiraa
Ii noqo caawiyaa
Ii noqo caymiyaa
Casiis idamkii
Cawooy sharafeey
Daruur curataay
Cirkoo da,ayoo
Daad is celiyaay
Raho ciyayoo
Cododi jiibshaay
Cosob baxayoo
Caqiibo lihii
Cawooy sharafeey
Daruur curataay
Cirkoo da,ayoo
Daad is celiyaay
Raho ciyayoo
Cododi jiibshaay
Cosob baxayoo
Caqiibo lihii
Naftii calolyooy
Canadi dumar
Caajis daaliyoo
Dhirta cuudshaay
Jawi cusuboo cajiibaay
Tuu cindiga iyo
Maanku risqaday
Jawi cusuboo cajiibaay
Tuu cindiga iyo
Maanku risqaday
Adaan cadradee
Caalamku idilaa
Ku culay laabtoo
Ku lulay calankee
Ii noqo ciiltiraa
Ii noqo caawiyaa
Ii noqo cilmiyaa
Casiis idamkii
Adaan cadradee
Caalamku idilaa
Ku culay laabtoo
Ku lulay calankee
Ii noqo ciiltiraa
Ii noqo caawiyaa
Ii noqo caymiyaa
Casiis idamkii