Dabacsanida hadalka iyo
deganaantu inanyahay
waa waxa dareenka iyo
nafta damaca galisee
kaaga dortay qeeyrkaa

Dugsi dhaxanta ceeliya iyo
dawadeeyda ii tahay
adigoo dal dheer jiran
halkaan kaa dareema
Macaan waan ku jeclahay

Dabcigaaga wacan iyo
dulqaad iyo xishoodkaba
ma wax laguugu deeqoo
daa’inkey ku uumaa
sharaf kuugu dawgalay

Qalbigaa ku doogsadaa
deeqay arigtidaadoo
adigoo dal dheer jiraan
halkaa kaa dareema
Macaan waan ku jeclahay

Exit mobile version