dhag aan u furnyn qalbiga
miyay dheegtaa warkaba
anaa dhagax la hadlaye

qofaan dhibka caashaq arag
miyuu dhaba moodayaa
anuu hoy iga dhigtee

hadaan dhinacyada la qaban
la dhawrin sidii dhalaan
kalgacalku miyuu dhismaa

hadaan dhulka roob ku di'in
miyay dhirtu soo baaxdaa
dalooliyo ubax dhasha

wadnaha xiisuhu dhex dagay
hadaanu lamaane dhayin
dhaawacu ma bagsoonaya

Exit mobile version