Intii xidid dhiiga qaadaa
Dhuuxiyo wadnihiyo halbawle
Dhaqaaqa intii samaysa
Qaarba caashaqa dhansiiyay
Ku dhigay qalbigaan ku dhigay
Axdiga aan dhalan rognaynin
Dhabeel yahay aaan ku raacay
Dhigaa adigaan ku doortay
Hablaha kale kaa dhaweystay

Sidii dhibicay cadceedu
Dhex qaadasay barwaaqo
Jidhaan dhara xoogan leh
Cosobka weheshanayaa dhee
Cirkuna dhalayo onkoday
Bulshadu dhaantiyo ciyaar
Intay dheelaan farxadi
Dhexdooda ku beeran tahay
Ayaad ii tahay dhigeed

Laabtaan gogol kuu dhigee
Aan dheelii tirnee jacaylka
Dhamays tir intaan tabaay
Laabtaan gogol kuu dhigee
Aan dheelii tirnee jacaylka
Dhamays tir intaan tabaay

Aduunyadu waa dhambaal
Dhaliiliyo waa amaan
Dharaariyo waa habeen
Dheeraynayoo tartama
Qoraxda dhacaysee hadana
Dhalanaysaan laga matalay
Dhoor soo nikada huwaday
Naftayda adaa ku dheer
Dhibaatiyo hawl ha mudan ha mudane

Inaan dhaayaha ku saaroo
Mar uun ku arko igu dheer
Dhibaatadu waxay i daysaa
Markaad igu soo dhawaato
Markaad dhinacayga joogto
Dharaaruhu waa macaan
Agtayda ha dhaafin qaali
Farxadu yay iniga dhambaalmin
Dhabtiyo igu hay bogaaga

Laabtaan gogol kuu dhigee
Aan dheelii tirnee jacaylka
Dhamays tir intaan tabaay
Laabtaan gogol kuu dhigee
Aan dheelii tirnee jacaylka
Dhamays tir intaan tabaay

Exit mobile version