Eego xumo anigaa u diida
Xumaantaa anaa ka dhawra
Jacaylkana anaan dhaliilin
Jacaylkana anaan dhaliilin

Dhibtiisana iima quudho
Dhibtiisana iima diido
Dhibtiisana iima quudho
Dhibtiisana iima diido
Anaa dhaxalkiisa helay
Wixii dheefuu lahaa

Anaan dhagartiisa yeelin
Waaxid qooma oo dhaawaca
Anaa talo u diidaya
Anaana ku dhaadanaaya

Anaan dhinac marahaynin
Laba u dhab mideeyay
Suugaan la dhinac taagan

Sidii hay dhansan buu
Hogaankana iga dhufta
Kalgacaylkuu ii dheeliyaa
Adaan kugu dhamaleeya

Wabay uu igu dhuftiyo
Aniga dacar ima dhansiiyo
Wabay uu igu dhuftiyo
Aniga dacar ima dhansiiyo
Nikaashana iima quudho
Dhabtii uu iga naxaa

Anaan dhagartiisa yeelin
Waaxid qooma oo dhaawaca
Anaa talo u diidaya
Anaana ku dhaadanaaya

Anaan dhinac marahaynin
Laba u dhab mideeyay
Suugaan la dhinac taagan

Exit mobile version