farduus gacaladaydaa
midii aan gayaankiyo
inta guudka loo dabay
kala baxay gabdhoo idil
garashada mid kula mida
gayigeena kuma arag

boqortooyo guuliyo
ras gobaad ka dhalatoo
golohii haldoorkiyo
haybata gebilayba tahay
iyo gobalkii cagaarna

gaari sharaf iyo muuq
geenyo dhaqasho laa tahoo
galabtaan ku halacsadaan
haween kaaga go'ayoo
gaar kuu ahaate
guule ha isku keen simo

naftoo hay gaclotaa
casar gaaban galabtii
cadceedo godkeedi
la galaysa cidhifyada
ayuu muuqday guudka
gobsanay ku mooday

amo ubax ku doogsaday
arabsiyo ku gudyaa
fad galbeed ku hooriyo
lagu mood gabadhyahay
galxareed iyo gob

gaari sharaf iyo muuq
geenyo dhaqasho laa tahoo
galabtaan ku halacsadaan
haween kaaga go'ayoo
gaar kuu ahaate
guule ha isku keen simo

Exit mobile version