quruxnaan maanka qaadiyo
qaali weeyi dahabiya
qorqornaanta oogada
quraysh weeyi loo bogay

waa qof qaaliya sida
waa qiimalay dumar
midaan u qarwaayiyo
badu qiimo loo hufan

inyar gortaad
qosol damacdaa
dareen qulqulaa
qudhayda jidhkiyo
qaabka haboon
qallbigii hantidii
qalbigii hantide farxiya

qaryada aan ku dhaatiyo
waa qalanjo igu dheer
qudhayda xusayso
waa qaayo badan xula

iyadaan ku qancayoo
u qorsheeyay noloshee
qaadiro allahayow
dhab u quudi caashaqa

inyar gortaad
qosol damacdaa
dareen qulqulaa
qudhayda jidhkiyo
qaabka haboon
qallbigii hantidii
qalbigii hantide farxiya

Exit mobile version