gabigood hablaha kacay
gabadh kaa nasiib wacan
marna kaa garaad roon
gayigeena kuma arag

gaari dumar u sidatiyo
geenyo qurux u dhalataay
gob xalaalabaad tahoo
EEBAA guusha kugu ladhay

gogol jacayliyo geesi hanatoo
duco guri danbaysbaad
waalidkaa ka gunudee
sihaam garaad wacan
guulayso waligaa

gayaan xulasho dookhiyo
gacaltooyo beeroo
GUULAAN idiinka barinee
gurigiinu guri khayr

geedkaad abqaasheen
manfaciisa gaadheen
midhihiisa goostoo
gurta ubaxa caashaqa

Exit mobile version