Habeenkii aan is baranay
Inay hurdo iigu danbeeysay
Cuntana aan haleeli waayay
Waataan hore kuugu sheegay

Hilaad dheer intaan samraayay
Aduun kuu sii hiloobay
Mudaba kuu hagar baxaayay
Runtii hawl intii iga raacday

Anaa hadh arooryo aagay
Anaa hoosis garab istaagay
Kolkaad caashaqa horseeday
Anaa hubsashada ilaaway

Hadaad caashaqa halaysay
Hadaad hibashada ilduuftay
Ood hanashada carbisay
Anaa hamigaygii laalay

Hankayga aad halaysay
Hareer martayeed hungaysay
Damiir la hadlaa hogaanshay
Oo uu kaasii hubleelay

Exit mobile version