Hadii lagu taami jiray
Aroos oo soo hirgala
Lamaane heshiiyayoo
Ifkana tashada is helay
Lamaane heshiiyayoo
Ifkana tashada is helay

Halyay cabdirisaaq
Haldoorkii dhalinyartoo
Manaan gob toosan iyo
Waxaad heshay gariidii
Hablaha ugu qurux badnayd
Hablaha ugu qurux badnayd

Anagu hambalyo ayaanu nidhi
Hagaago dhismaanu nidhi
Caruur wiilal iyo hablo ah
Aduun aduun ka helaanu nidhi

Anagu hambalyo ayaanu nidhi
Hagaago dhismaanu nidhi
Caruur wiilal iyo hablo ah
Aduun ka helaanu nidhi
Aduun ka helaanu nidhi

Haybada qoyskii lahaa
Hanaankiyo magaca weyn
Talada hufan lagu yidqeel
Ayay hido raacayaan

Haldoor xasan sheekh iyo
Sahra cumar ayaa
Sidaa u huwiyoo
Talada u hagaajiyoo
Waxay ku hadal barteen
Hoygii muqdishee wacnaa
Hoygii muqdishee wacnaa

Anagu hambalyo ayaanu nidhi
Hagaago dhismaanu nidhi
Caruur wiilal iyo hablo ah
Aduun aduun ka helaanu nidhi

Anagu hambalyo ayaanu nidhi
Hagaago dhismaanu nidhi
Caruur wiilal iyo hablo ah
Aduun ka helaanu nidhi
Aduun ka helaanu nidhi

Exit mobile version