VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hamoodin inaan darnaaday - Lyrics

hadaan ku doono ku doortaye ha moodin inan darnaadey hadaan dadka ku jeclaaday ha moodin inan daciifay hadaan ka daba gucleeyay ha moodin inan duloobey hadaan dookha kugu yeelan ha moodin inan dulseegay hadaan shalaay ku dadaalay ha moodin inan riyooday hadaan maantana ku daayay ha moodin inan ku deyrshey hadaan xidhiidhkii dayaacay ha moodin inan dhaqaaqay hadaan damacaaga diiday ha moodin inan dangaree hadaan aamusni dan moodey ha moodin inan ku diiday dhexdaada hadaan idleeyay ha moodin inan daldoortay
Queue is empty
-- / --