Anoo caashaqa hagar li'i
U huroo u hawl galay
Tii aan hiil ka waayay
Kalgacayl hir goysaay
Hoojiya habawshaay

Mar hadaan hagaagiyo
Ku hungoobay samihii
Ha hirgalo nacaybkuye
Habrashada ka waynoow

Adna heedhe baayooy
Dabray hibashadaydee
Adna taada heensee
Dabray hubashadaydee
Adna taada heenseee

Hiyagayga caashaqa
Hoo dhdhami kolkaan idhi
Sun hadaad u laaqdoo
Hamigaan lahaa iyo
Heertay hibashada

Maantaaba hankaygiyo
Hilawgaygii waan jaray
Ha ii caban haraadshaay
Waa inoo hal hayskaa

Adna heedhe baayooy
Dabray hibashadaydee
Adna taada heensee
Dabray hibashadaydee
Adna taada heensee

Exit mobile version