VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hiloow - Lyrics

In kastoo hablaha kale Hadba inan la hayn jiray Haasaawe mooyee Hortaa caashaq ima helin Nafta uma hibeeye hiloow In kastoo hablaha kale Hadba inan la hayn jiray Haasaawe mooyee Hortaa caashaq ima helin Nafta uma hibeeye hiloow Adaan kuu hiloobay Halkuu gaadhay xiisuhu Qof haween ka soo hadhay Qalbigayga muu hanan Qof haween ka soo hadhay Qalbigayga muu hananee Adaan kuu hiloobay Halkuu gaadhay xiisuhu Qof haween ka soo hadhay Qalbigayga muu hanan Qof haween ka soo hadhay Qalbigayga muu hananee Sidii damal har weyniyo Hubka dhaxanta ii noqo Ana dunida hodaneey Ilaa mawdku iga helo Hareertaada iga eegee Sidii damal har weyniyo Hubka dhaxanta ii noqo Ana dunida hodaneey Ilaa mawdku iga helo Hareertaada iga eegee In kastoon hagaag dumar Hami guur iyo hawiyo calaf Intaan hawlo iskugu nimi Hiilkooda mooyee Haaraami waligay In kastoon hagaag dumar Hami guur iyo hawiyo calaf Intaan hawlo iskugu nimi Hiilkooda mooyee Haaraami waligayee Hadana waan hubaayoo Sidaan adiga kuu helay Haqab tiraha noloshaan Haraadkayga biisee Haqab tiraha noloshaan Haraadkayga biisee Hadana waan hubaayoo Sidaan adiga kuu helay Haqab tiraha noloshaan Haraadkayga biisee Haqab tiraha noloshaan Haraadkayga biisee Sidii damal har weyniyo Hubka dhaxanta ii noqo Ana dunida hodaneey Ilaa mawdku iga helo Hareertaada iga eegee Sidii damal har weyniyo Hubka dhaxanta ii noqo Ana dunida hodaneey Ilaa mawdku iga helo Hareertaada iga eegee
Queue is empty
-- / --