cirka raxmad horaa
markuu caynadeeda
cadaanka ka yaabay
cabaadhayaha qoorta
carfaha ka baxaaya
dhirtaa ku cagaarta
dhulkaa cusur yeesha
halkay cagta saarto
jinkaa ka cagaaba
calshaan quruxdeeda
hablahaa ka cabsooda
calshaan qurux deeda
xidigahaa ka caraaba

codkeeda macaankeeda
ayaa ii caafimaadaaa
cajob qosolkeeda
cirka lagu dheehay
cilmiga quruxdeeda
cisiis ku amnaystay
carfiga udugeeda
cadarkaa kamahadaa
cajabee udugeeda
calshaan quruxdeeda
hablahaa ka cabsooda
calshaan qurux deeda
xidigahaa ka caraaba

Exit mobile version