Sanbabadiyo beerkaan
Saldhig kaaga dhigayaa
Sidayaasha dhiigaan
Samo kuugu dirayaa

Sacabada dhabtaydaan
Kugu seezin doonaaye
Afka sida dhalaankii
Soorta kuugu gurayaaye

Markay taadu socotee
Saacadaada gaadhana
Nafta waan ku siinlaa

Aqal laga sureeroo
Dahab laga sanceyaan
Inay kuu sameeyaan
Jinka kuu sasabi laa

Hadaan suura galin karo
Waxaan kuu sakhirilaa Sakraadka mawtkoo
Waxaad sqhal ku marilayd
Su'aalaha qabriga jira

Exit mobile version