jaahaagaan la indho beelay
jawigan la iigama horaynin
walee waan jidhiidhicoodee

jamaalkaaga i deeqay
jidhkiyo xubnahaa i jareeyay
markaad joogsi yara dhaqaaqday

qalbiga dhinacaaga jooga
waxbaa soo jiidanaaya
jawaab ana waxa i deeqda
adoo jamasho u codeeya
waliba ila jila jacaylka

janada ifku waa agtaada
jaleecada daymadaadu
jal iyo iigu filan anfaaci

jinkaagiibaa i raacay
qareenkaaga ila jaaray
jacaylkaagaa i deeqay

Exit mobile version