Halkay bada iyo wabigu
Biyaha isaga daraan
Ayaan kaa baadhayoo
Wargeysyada baafintaan
Warkaga ku baahiyee
2x
Jubiter inaan booqaniyo
Baryano mars baan jeclaa
Inaan inaan u baxnoon tagnee
Nolosha isku bixin karee
2x
Ubaxaan mudo beerayoo
Ilmada caashaqa ku baxayay
Ayaan baryo kula sugee
Ku mee boqradaydiyeey
2x
Waxaan aqal baaxad weyn
Macaan ka biinaynayaa
Bartaad Ku calool gashiyo
Bartii aad ku soo kortoo
Bogaan kugu haynayaa
2x
Intoon ku boqraan adiga
Bilado wada luulahiyo
Taajkii taajkii boqortooyadaan
Badhkaada siin lahaa
2x
Ubaxaan mudo beerayoo
Ilmada caashaqa ku baxayay
Ayaan baryo kula sugee
Ku mee boqradaydiyeey
2x

Exit mobile version