ubaxa ugu quruxda badan
u qaalisan ugu udgoon
ayaa ka qaata carafe
si aanu u qiimo dhicin

runtii anigaa qiroo
hal marood qososhaa dunida
aniga iigu qiimo badan

hadaad qalbigayga iyo
qasnado kayd ah oo dhexyaal
waxaan ku qarsaday bandhigo
adaan qormo kaaga dhigay
nolosha qaybsigeeda
ku qaatee tayda qorshee

xidigta ugu qiimo badan
qayrkii markay tahay ilays
si aanu u waayin u qurux

qaabkaad leeday adaan
qiyaas is idhaa macaan
sidaada qof aba ma arag

Exit mobile version