Quruxdaadiyo muuqa
Indhaha ku mashquula
Midabkaagiyo jaaha
Qoraxdaa ka masayrta

Malbooy kartidaada
Niyada ka mabsuuda
Nabdigaad mulkidaane
Kama maarmo agtaada

Dabcigaaga marwaysan
Inta MAWLE ku beego
ALLEHAA mansab siiye
Aan makhluuq la wadaagin

Mid haween ka masuuldan
Hani waa igu munaasiboo
Inaan kuu muhanaayo
Dadku waa ka markhatiye

Maskaxdayda adaa
Dagay maankiyo beerka
Murtidayda ayaa ah
Aan mataano ahaano
Ka midooba quluubta

Exit mobile version