Maryaneey hanaankaaga
Hiigsiga wanaagaaga
Iyo hadal samaantaadu
Waa halbeega quruxdaada
Kartidiyo hufnaantaada
Muuqiyo heemaalkaaga
Iyo heerka sharaftaadu
Waa hilinka guushaada
Afrika hablaha jooga
Jooga jooga
Adigaa oneka u haysta
Humaagaaga iyo quruxda
Inamadii hargaysaa le
Maryan axmadeey huuno
Hibo noogu nooolow dhe
Gaarisaa i tidhi heeso
Heersare ah oo fiican
U hanee hanaan quruxda
Jigjiga hal wiiloo mar
Arkayba ku jecel huuno
Jabuutaa habdhaqankaaga
Hanbalyaysay ee aad mar
Ana hibada dhuuntayda
Kuu huraye guulayso
Xamar weeyi hoygaagu
Iyo xeebta hawadeeda
Hal mar ruuxa soo booqda
Wuu hilmaami hawlihiiye
Hana raago cimrigaagu
Inta hadhay ku farax uunka
Aduunka hadhkeeda sii
Oo huuno libin wayn hel
Afrika hablaha jooga
Adigaa oneka haysta
Humaagaaga iyo quruxda
Inamadii hargaysaa le
Maryan Axmedeey huuno
Hibo noogu noolow dhe
Gaarisa i tidhi heeso
Heer sare ah oo fiican
U hanee hanaan quruxda
Jigjiga hal wiiloo mar
Arkayba ku jecel huuno
Jabuutaa habdhaqankaaga
Hanbalyaysay ee aad mar
Ana hibada dhuuntayda
Kuu huraye guulayso