Sow muraayad caashaqa
Mulkiyay uun manoqon
Sow muftaaxa kuma siin
Hoo imaamul kuma odhan

Sow maqalka dhagihiyo
Miirkaygi maad noqon
Mar hadaan ku waayana
Nafta sow ma huri karo

Sow muuqa sagalkiyo
Ma matashid ubaxoo
Sow carfta miskigiyo
Maanka kama udgoonid

Sow macaaanka noloshuba
Agjoogaaga maaha
Sow niyada maad degin
Qalbigayga maad hanan

Inuu jacaylku malabyahay
Hortaa maan ogsoonin
Hada Sida macalin
micnii Xiisa ii dhigay

Sow maariin dhalaal xiga
Midabkaagu maaha oo
Sow muunad gaara
Muxiboy umaad dhalan

Sow masuul naftaydana
Maantaba kamaad noqon
Inaan kuu mashxaradana
Sow mubaax maaha

In xiisuhu misbaaxyahay
Markhaati kama tihid
Masha alle caawaba
Soo maynu midoobin

Sow mudanahaygoow
Marwadaadi maan noqon
Sow maanta maad xulin
Masalahaaga maad dhigan

Exit mobile version