iftiinshaay nadiira maanka
naftayda hagaay barbaarsha
naruuro kashayda deeqda
nasrigaan helaay daweeya

nabada farxiyo wanaaga
naxliga iga jira xumaanta
nolosha kaafiya daryeela
nasiya dajiyaay xurmeeya

RABIGU kuma tuso nadiira
nac iyo wax ku dila aduunka
ka hay nasabeey dhibkiisa
janada neecow aduunka
aakhiro ku nagow fardawsa

markaad niyadayda deeqday
naftana aan wada wadaagnay
naftaydu taada bebe
nafaan ka abuurnay qaali

nabdiga adigaan ku siiyay
waxaan kaa helay nasteexo
naqbaa ii da'ay nimcaystay
kolkaan ku helaan nagaaday
nagaaday anigu anigu nagaaday

Exit mobile version