Neecaaw udgoon
Nafis baad dagten
Naxariis jaceylna
Yaaqay waad hesheyn

Nadir kaad gasheyn
Niyad buu ahaa
Nacab wuu jaboo
Nafis iyo Nadiir
Naf quraa tihiin
Naf quraa tihiin

Isku nuursadoo nimcadii
Ilaah isla nuuga oo kalgaceyl
Udgon kala hela nolol qurxon
Hela nolol qurxoon

Naruurada cudoon
Nal baad daaraten
Nasiibkaa haboon
Baad ka muuqaten

Libta naawisheen
Nasteex ku ladin
Nabad ku dhama
Nafis iyo Nadiir
Nasab baa tihiin
Nasab baa tihiin

Isku nuursadoo nimcadii
Ilaah isla nuugo oo kalgaceyl
Udgoon hela nolol qurxoon
Hela nolol qurxoon.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version