muqdisho nabada jeclaa
inaan mar kuso nastee
nasiib uu i keenay xamar
nagaansho dadkoo ku jira

boorama way nasibtaa
neecowda qofkii bil qudha
ku qaata naruurade
nasiib wacana u tegay

waxaan nafisaa kolkaan
hargeysa ku nug baxo
nabdiga iyada ku weyn

niyad waxay doorbida
naq iyo dooga ka baxay
jabuuti inay leedahay
ku naaxdo barwaaqado
nimcada waan jeclahay

naftaydu hadaanay bixin
waxaan ku noqon jigjiga
qoraxay noqob iyo wardheer

neeftayda qaban kartee
nusqaanta gobtaan lahayn
garoowe ninkaan kol arag
muxuu nabar weyn qabaa

waxaan lori loo huraa
dhulkaa nadiifta ahaa
gaarisa nuurka ka baxay
hoostiisa meelban nagaa

Exit mobile version