sidii ubad kuu xanaanshay
sidii waalid kuu adeecay
sidii boqor kuu amaaanay

markuu saxar galo ishaad uunba
ilmeeya adoon dareemi
aduunyada meel joogo
agtaada ugu wanaagsan

markuu saxar galoo ishaada
ilmeeyaa adoon dareemin
markaan aragagaaga waayo
ololay sida aarka reemay

uurkaan kugu qoray bogayga
dhamaan ilalaha jidhkayga
ku siiyay naftayda lahasho

sidii ubax dharab ku yaala
adaa saxansaxo udgoon
sidii kaymo wada ugbaada
ildoogsaday aragtidaada

dhaaya ku arkaa nasiible
amintaan ku bartaa xasuusa
sidii awliyo RAXMAAN
eraygaad tidhaa dhagaystay

Exit mobile version