La jihaad naftaadoo
Waayaha la jaanqaad
Ha u joojin waligaa
Maalmaha jiciirta le

2x

Jabka guusha loo maro
Ha u jabin hankaaguye
Samirkaaga joogtee

2x

Saaxiib jid gooye ah
Nin jileec la haysta ah
Iyo xaasid kula jira
Yay jaanis kaa helin
Hala jaarin abidkaa

2x

Jamshada qof kuu nugul
Oonyar jaanta ula raac
Waa jaranjar noloshuye
Ha jidh diidin aadmiga

2x

Murankiyo jikaarkiyo
Qabku maaha jeesjees
Jahligay tilmaamaan

2x

Saaxiib jid gooye ah
Nin jileec la haysta ah
Iyo xaasid kula jira
Yay jaanis kaa helin
Hala jaarin abidkaa

2x

Exit mobile version