naxariista caashaqa
labayahow is muuje
isku helay nasiibkow
nimco weeye guurkuye
ku nagaada reynreyn

nidarkeeni dheera
nalkii aad siraaden
waaka nuurkii baxaye
nuuraay kalgacalkii
car tiirisaa
marna yaanu nusqaamin

noqda laba is aamina
noqda laba jacalakuna
noqda laba agtooda
noqda laba uu ku naaxo
noqda laba aan namiimku
kala dilin

nafba waa nafteede
labayahow nimceyste
isku habay naqiiso
waa naruuro dookhuye
gurigiina guri nagi

nolshad bilowdeen
ku naalooda faraxo
isa siiya niyadoo
oo ahow naakhuda
abdow nuura hagaaja

noqda laba is aamina
noqda laba jacalakuna
noqda laba agtooda
noqda laba uu ku naaxo
noqda laba aan namiimku
kala dilin

Exit mobile version