Ogoow qaaliyeey haldhaa
Hubaal adigaa ka wacan
Haweenka facaaga oo
Fariid baa tahay la hubo

Caqliga saxan ee ku hagi
Halhays buu kaa dhigoo
Asluub baad huwantahoo
Waxaad tahay lama huraan

Hubaal anigaa waxaan hubaa
Inaad tahay hoodo wacan
Gaari haybad iyo dadnimo
Qurux hibo looga dhigay
Huunooy dhawrsan baa tahay

Horseed baa tahay goboo
Halkii aad ku ababtiyo
Muqdisho ma hilmaamayee
Hooyadii wadankaad degtaa

Hubsiimadu waa sadkaaga
Hadalku kaama soo fakado
Quruxna waad hagoogantoo
Horyaal baad dumar ka tahay

Hubaal anigaa waxaan hubaa
Inaad tahay hoodo wacan
Gaari haybad iyo dadnimo
Qurux hibo looga dhigay
Huunooy dhawrsan baa tahay

Exit mobile version