hibo dheemaneey
dhaban quruxsaneey
dhawrsan gaariyeey
dhabeel aan hubaay

dhamays kaamilaay
xul dhigeed habliyo
haween dhaaftayoo
gobtii dhidaga aheey

hibo dhaqansaneey
dheeli tiran hanlaay
RAXMAAN ku dhibiyo
kaa dhawr in daran

qalbi dhaya adaa
dhinacyada qalbiga
ku dheer maanka oo
i dhex dagay wadnaha

dhaayaha indhaha
dhawridaada jecel
dhagtu maqalka hadalkiyo
dhawaaqaaga jecel

Exit mobile version