Naq soo da'ay iyo
Neecawda dhirtaay
Nimcada rayskiyo
Nabaadka dhulkaay
Midaan ku nastee
Wadnaha ku nabaay
Adaa nabdigiyo
Niyada kaf badoo
Adaa nabarada
Naxliga biiyee
Qalbiga naaxiyaay
Nuskayga ahaw
Nafiin dheeman
Nasteexo hankaay
Sadkii noloshee
Nasiib ku helaay
Rabigu naafada
Nacabkaa kaa qari
Nasriga guudhiyo
Nuurkii rajadaay
Midaan nasibeen
Naflaha hantiyaay
Nuxurka qoskiyo
Naxwaha sharaftaay
Adaa nasabeey
Naftayda kaboo
Adaa nuxuxdii
Namiimka jaree
Laab nadiifiya
Nidarka ila dhawr

Exit mobile version