sifaha quruxdaada soocan
samaha dabcigaaga suuban
sahraay hibadaada dooran
cidaan la simaanan dheehan

wanaagiyo hadal samaanta
samirkiyo wada dulqaadka
siday u daryeesho maanka
ayaan darajada ku siiyay

sidaad dusha iigu qaaday sahraay
sidaad dadka iiga soocdaay sahraay
saraay dhibka iigu diiday sahraay
ayaad qalbiga ugu saaqday sahraay

sawirka iyo bilicdaada dheeman
sawtkiyo eraygaaga saafan
sahraay sharaftaada dhawran
waxaan siistaan la sheegin

sumcadiyo xishood wacnaanta
sifayntiyo amaan badnaanta
siday u horseedo guushaan
ayaan saaka ugu heesay

Exit mobile version