Shimbiryahoow dabaylaha
Daruurahaa dhex marayaa
Daa'inkii ku uumaa
Orod kuugu daw galay

Ana inaan dilanahay
Dakharadii jacayl qaba
Diir kaama saarnoo
Dushayda waad ka aragtaa

Shimbiryahoow dunida idil
Meeshii aad doontaba
Adigaa u duuloo
Damaashaad ku wada mara

Dal fog oonan gaadhayn
Degdeg adaa ku tagi kara
Adaa daalin socodkoo
Waligaa dakaamine

Abidka ha igadidin
Ku dagaali maayee
Waxbaan kuu dirsanayaa

Warqadan daboolane
Dusha sawirku kaga yaal
Dawadii qalbiga degdeg iiga gaadhsii

Waanadu ma deeqdoo
Dadna way coloobeem dheh
Duco iyo quraanbay
Wadaadadii ku daaleen dheh

Aduu kugu dan seegoo
Dumar kalena inankii
Qalbigiisu diidyoo
Caashaqiina muu dayn dheh

Adoo imika duuloo
Daadihiya mooyee
Dawo kalena loo waa dheh

Adna doqon la caashaqay
Deeqaay ha noqonoo
Usoo dabac dheh inankii

Exit mobile version