Xubigan laabtayda dagay
Dareenka naftayda galay
Adaa maankayga doojey
Adaa dookhayga kaagaa
Ku daabacayoo is baray
Ku daabacayoo is baray
Ku daabacayoo is baraye
Ku daabacayoo is baraye

Adaan ubaxeey dartaa
Hablaha kala diida yidhiyee
Kalaamkaaga i deeqay
Dabuutaadaan ka helay
Adaan dumar kaa calmdey
Adaan dumar kaa calmdey
Adaan dumar kaa calmdey

Caashaqa dacalkaaga qabo
Docdaydana awbaha jidhkeeda
Sidaan u daryeeli lahaa
Ayaan u xidhanahay duubka
Sidaan u daryeeli lahaa
Ayaan u xidhanahay duubka
Sidaan u daryeeli lahaa
Ayaan u xidhanahay duubka

Intii baal lee dawaafta
Intee duusha hawada
Dalxiistee ku xaragootaa
Daa,uuskaa ugu qurxoonee
Ruuxii deymada ku eegaa
Ruuxii deymada ku eegaa
Ruuxii deymada ku eegaa
Ruuxii deymada ku eegaa

Ku dhee indhaha kugu daraandar
Jaleecada kuu dul meer
Adaa darajeeya qurux
Sidaan hada kuu dul dhigee
Wax kuu daran duni ha mudan
Wax kuu daran duni ha mudan

Caashaqa dacalkaaga qabo
Docdaydana awbaha jidhkeeda
Sidaan u daryeeli lahaa
Ayaan u xidhanahay duubka
Sidaan u daryeeli lahaa
Ayaan u xidhanahay duubka
Sidaan u daryeeli lahaa
Ayaan u xidhanahay duubka

Exit mobile version