wadnihiyo sanbabada
shaqeynaayo
mid wiiqmay
mawaayaane

midaan wariseey
u wehel ahayoo
aan waayay markaa
waraystahayeee

indhaha qalbiga
ka eegma fogoo
waxanay aragbuu
ogaadaayee

nafteydaa ogolaatay
aragaagoo ogaan
waayay goor
aan kuu imidee

inaan bogsadaan
ismoodaayee
halkii bugtay way
banaatahaye

inaan bogsadaan
ismoodaayee
halkii bugtay way
banaatahaye

dakharkii cishqigaa
i dooganayoo
dareemaye waan
damqanayayee

dakharkii cishqigaa
i dooganayoo
dareemaye waan
damqanayayee

Exit mobile version