idilkood haweenkaba
umalkhayrtu waa
aragtida qalbigiyo
anigaba i deeqday

amaantaadu hadal iyo
iska odhasho maahee
waa ogaal markhaati leh
afkaa kugu asteeyee

ALLOW yaa agtaadiyo
inta aad ka dhawdahay
amintii la joogaba
afka gacanta biyahiyo
isku siiya oontoo
is wadaaja caashaqa

ana sahan wacnaanta
doonistiyo ishaarada
aqbalkiyo nasiibkana
ILAAHBAA igu garab galay

maaha quruxdu aragtida
u eekaansho oo qudha
waa edabta dhaqankiyo
intaad koobsatee badan

Exit mobile version