ilwaad quruxiyo hubqaad
asluubiyo badaniyo xishood
aduu RABI kugu sadee
miyaan ku ilaawayaa xamdaay

dulqaad garashiyo aqoon
aragti dheeroo haboon
adaa raga ugu sitee
miyaan ku ilaawayaa

qalbiga adigaa dagoo
adimada hagoo
ku amaanayaa

dhigiyo udub wada jiriyo
uliyo diirbaa nahee
ALLOW isu kaaya daa

adaan kugu uursamoon
niyada kaa aaminoo
inta ku ilaashadaa

Exit mobile version