waa jacayl aboodiya
midkaan ila arooree
la itaal dareeyee
asaagay iga reebee

waa adi daraadaa
waxa lay ambinayaa

aan aduunka joogee
ha i gaynin aakhiro
ha ii ahaanin nacabee

adoon iga adkaystan
ayaan la i afduubin

aafadii aan ku qabay
ha ii uubataynoo
ha is odhanin inankii
wuu kuu ildaran yahoo

af libaax inaan galay
adba waad ogsoontee

abris aan wax dayn iyo
ha isiin abeesee
ha ii ahaanin nacabee

adoon iga adkaysan
ayaan la i afduubin

Exit mobile version