inta aan wadnaha iyo
waaxyaha jidhka oo idil
wehel kaaga dhigaybaan
welwel kaa ilaashaa
wixii adi ku dhibabaa
anigana waxyeliyo
iigu filan wadeeco
walaacaan ka qaadaa
sida aad wanaagiyo
wax wal iila jeceshahay
ana wax khayr li iyo
wanaag kuugu tiriyaaa

marka weedh dareen badan
aad ila wadaagtaa
kalgacayl waraabshaa
wadnahayga kuu nugul
warka xaasidiintiyo
wacyiga namiimkiyo
wanjalaada diidan
waafiyaan useexdaaa
sida aad wanaagiyo
wax roon iila jeceshahay
ana wax khayr lihiyo
wanaag kuugu tiriyaa

Exit mobile version