xidhiidhkiyo jacaylkeena
xanaanee dareenkeena
oo xabiibi kulankeena
ila xoohi balankeena

xukun sidaha maankayga
ayaad xero ku leedahaye
xiska nugul xubiga sii bar
xaaladaha ka dhaw liiga

adoon laabta kuu xaadhay
yaan la ina kala xadin
xiskiyo bartaa maanka
ku xafido jacaylkeena

ku xushee xanaanayso
han xaruuriyood hanatay
xarumaha jacaylkeena
xaruntiisa dhex si fur

xarumaha jacaylkeena
xafiiskooda guud sii fur

si aan xadhiga dookheena
loo goynin xididkiisa
intaan guri xalaal taagno
aan xadrayno labadeenu

Exit mobile version