Yaasmiin jeegaan u eeg
Jawharad nuurloo iftaay
Dhaayaha jeedaaladiyo
Jaleecada muuq bilaay

Janadii ifka een hantaay
Miduu jiiriyaay qalbigu
Labkada tii aan jantaay
Kasbiyo jaldigii xiskaay

Nafbaan ahay jooga nool
Adiga kaala jaartayoo
Yaasmiin ku jecel macaan adiga

Yaasmiin jaahiyo ilwaad
Jamaaliyo joog qurxoon
Waxaad tahay ubax jiree
Barwaaqiyo jeer samaad

Furihii jawigeen helaay
Saxihii maankeen jantaay
Tii aan jaleen lahdaay
Jidhkayga jidhkuu tabaay

Exit mobile version