allaahu Akbar subxaanalaah allaa wayn
laailaaha ila laah maxamud rasuululaah allaa wayn

waa ayaamu khayrkii
illaahay na farayee
aan wada sugaynee
abshiraysta ramadaan
allle kuwa rumaystee
amarkiisa qaatee
anfacada ka soomow afuray

allaahu Akbar subxaanalaah allaa wayn
laailaaha ila laah maxamud rasuululaah allaa wayn

ajarkeeda ramadaan
aayadaha quraankiyoo
axaadiistu siday tidhi
illaahbay u gartoo
abaalkeeda gudayee
ehlu khayrka soomoow
way idiin ahaatee afuraay

allaahu Akbar subxaanalaah allaa wayn
laailaaha ila laah maxamud rasuululaah allaa wayn

waa bishii islaamke
inta dibada joogtee
soomaalida awooday
ehelkiyo qaraabada
qaar baan itaaliyo
aan awood lahayne
u gurmada dadkiino
afurkooda siiyaay

allaahu Akbar subxaanalaah allaa wayn
laailaaha ila laah maxamud rasuululaah allaa wayn

ibliis wa la xidhayoo
albaabada janada udugg
aan salaatu laylkiyo
taraawiixda aadnee
umada islaamkee
iilllaahay u soomow afuraay

allaahu Akbar subxaanalaah allaa wayn
laailaaha ila laah maxamud rasuululaah allaa wayn

allahyoow adoonkii
afka xidhay dharaarte
akhrinaaya ducadee
aawadaa u soomay
aqbaloo ajiiboo
ifka samo ha waaree
aakhiro janada gee afuraay

allaahu Akbar subxaanalaah allaa wayn
laailaaha ila laah maxamud rasuululaah allaa wayn

Exit mobile version